Si toos ah u booqo tusmada

AVG

Ku soo dhowoow Centraal Orgaan opvang asielzoekers (COA). COA waxay hogaansantaa ‘Algemene verordening gegevensbescherming’ (AVG). Si hoy iyo hagitaan loo siiyo magangelyo-doonka COA waxay ka ururisaa iyo diiwangalisaa xogta.

Ereyada muhiimka ah oo la sharraxay

Ereyga 'xogta-qofeed' waxay khusaysaa dhammaan warbixinta ku saabsan qofka ('qofka ku lug leh'). Waxaa loo jeedaa magacaaga, cinwaankaaga, taariikhda dhalashadaada, dhalashadaada/jinsiga iyo nambarka taleefankaaga. Iyo macal madadaaladaada iyo nambarka akoonkaaga bangiga.

'Diiwangalista' amba 'isticmaalka' xogta-qofeed waxay ka kooban tahay dhammaan hawlgallada ay COA ku gudi karto xogtaada-qofeed. Tusaale ahaan qorista, xafidka, beddelka, gudbinta iyo tirtirida xogta.

Bayaankan-asbaabtu wuxuu sharraxaya sida COA ula macaamisho (ilaalinta) xogtaada-qofeed.

Bayaanka-asbaabta ee dadka deegaanka

Bayaankan-asbaabta 27 agoosto 2019 ayay gudidu aasaastay.